PoliticsSociety and Culture

Hawiye vs Darood iyo 30 kaddib!

Ummad kasta markay samaysmayso waxay martaa maraxaladu kala duwan oo dagaallo sokeeye ay ka mid yihiin.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ceebtiisu waxay ahayd in qabiil loo kala saftay;Taasaana keentay in uu nagu daba dheeraado.

Laakiin haddii dabaqado dhaqaale, fikir, ama diimo la isku dagaali lahaa si fudud ayaa loo heshiin karay. Laakiin bulshooyinka qabiilka ku dhisan way adag tahay in la isku keeno marka uu dagaal dhaco maxaa yeelay qabiilku ma leh talis dhexe oo awooddiisa gacanta ku haya oo si fududu loola xaajoon karo si xal loo gaadho.

21 sano ee Maxamed Siyaad Barre si guud dowladda awooddeed waxaa haystay Daaroodka; arrintan waxaa aamminsan/aamminsanaa qabiilada kale.

Haddana qabiilkii koobaad ee intuu is abaabulay jabhad samaystay si uu siyaad Barre ula dagaalamo Majeerteen ayuu ahaa.

Majeerteen waxay samaysteen jabhadii SSDF.
Sababta Majeerteenku jabhaddii koobaad u samaysteen ama mucraadkii koobaad u noqdeen kali ah ma ahayn in ay la yaabeen kaligii talisnimada Siyaad Barre ee waxay u arkayeen in xukunka laga dhacay ayaga.

Dhinaca kale, Siyaad Barre wuxuu xulufo ka dhigtay inta kale daaroodka sida Dhulbahantaha, Warsangaliga, Ogaadeenka iyo Mareexaanka.

Si kooban, Marka daaroodka laga reebo Majeerteenka waxay Maxamed Siyaad Barre ku taageersanaayeen kaligiitalisnimada iyo dhibaka uu dowladnimada ku hayay. Sababtuna waa qabiilnimo ayay ahayd. Dhinaca kale, sabata Majeerteenku uga soo horjeedeen waxay aamminsanaayeen in kursigoodii laga dhacay.

Dhinaca qabiilada kale, SNM oo isaaq sameeyay iyo USC oo Hawiye sameeyay ayaa hanaqaaday . labada jabhaduud waxay u abaabulnayaayeen qaab qabiil, dhaqaalaha iyo taageeradana waxay ka heliyeen qabaa’ilkooda.

Haddaba, si aan meel dhow aan gaaga seeyo markii maanta oo kale 26 January 1991 dagaalkii Xamar ka billowday Jabhadii SDDF iyo USC oo isku hal hadaf lahaa ayaa qabiil u kala saftay. Majeerteenna Daarood buu raacay, USC-na Daaroodka dhan ayay saf ka martay. Sabab?! ……….Qabiil!

Dhinaca kale, 30 sano kaddib maanta markaad eegto qaabka loo arko 1991 waxaa lagu kala arkaa il qabiil. Daaroodku waxay u arkaan in dowlad Soomaaliyeed ay Hawiye rideen.
Hawiyana wuxuu arkaa in talis shaydaan la iska xoreeyay.

Indheergaradka iyo aqoonyahanka aan qabiilaysnayn maantaa iyo maalintaasba tirsi ma leh. Sababtu waxay tahay qiyaastii 1% ayay ka yihiin bulshada. Marka saamayntoodu way koobantahay.

Ilaa dadku waxbartaan oo saykoolajiga qabiilka wax kale lagu beddelo ama qaab loo maareeyo la helo dalkan xalkiisu ma dhawo.

Dhaqaalaha oo kora, nabadgaliyo, waxbarasho tayo leh, iyo nidaamka caddaaladda iyo dowladnimo ku dhisan hay’adaha iyo caqliga ayaa xal noqon kara argtidayda.

Spread the love

Comment here