Politics

Khayre Mahad celin ma mudanyahay?!

Raysul Wasaare   hore ee Soomaaliya haddana ah musharax Madaxweyne wuxuu mudan yahay in loo mahadceliyo. Sababtu waxay tahay doorashadan hadda khatarta ku haysa dalka wuxuu ka qaatay go’aan sax oo taariikheed. Dad badan oo aan jeclayn qaybo kamid ah siyaasadihiisii markuu xukunka joogay waxaa laga yabaa in ay ka ilduufaan go’aanka masiiriga ah ee taariikhiga ah ee uu arrintan ka qaatay. In dalka ay ka dhacdo doorasho wadar-ogol ah oo waqtigeedii ku dhacda ayuu u arkay xalka kali ah ee dalka lagu samata bixin karo.

Labadii Raysulwasaare ee asaga ka horreesay ee dalka xaaladda kalaguurka dhaafiyay waxay la shaqeeynayeen labo madaxweyne oo wadar-ogol iyo in dastuurka lagu dhaqmo ogal.  Ayaga oo musharxiin ah ayay haddana dalka dhaafiyeen kala guurka maxaa yeelay waxaas saas la ogalaa labada Madaxweyne ee Markaas joogay.

Marka haddii qofka kaa sarreeya ogolyahay in wadar-ogol wax lagu wado adna aad xuquuqdaada dastuuriga ah isticmaasho wax tijaaba ah maadan galin.

Laakiin markay bilkacse noqot ayuu qofku tijaaba galayaa.

Marka in uu Khayre Farmaajo ka diiday in la xoogo doorashada , dalka iyo qori isku dhiibkana u hiiliyay ammaan ayuu ku mudanyahay.

Haddii aad tan diiddo aan si kale u dhigno. Ka warran hadduu Khayre Farmaajo la safan lahaa oo awooddiisa iyo xiriirka fiican ee uu lahaa beesha caalamka ku kabi lahaa Farmaajo maanta?!

 Cakirnaanto intan waa ka badnaan lahayd soo ma ah?!

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here