Uncategorized

Khaladaadka Siyaasadeed ee uu Madaxwyne Farmaajo sameeyay iyo cagala la’aanta masiirka siyaasadeed!

1. Madaxweyne Farmaajo waxaan u fadhiyin fahanka dowladda casriga iyo sida ay u shaqayso. Hoggaaminta dowladda casriga ah kuma dhisno burji( charisma), iyo hoggaamin dhaqameed (Traditional leadership). Basle waxay ku dhisantahay sharci-caqliyeed( legal rational leadership). Hoggaaminta noocan ah waxaa ku dhisan dowaldda casriga ah; Dowladda madaniga ah ama casriga ah way ka duwantahay midda boqortooyada iyo xoogga dadka lagu haysto.

Dowladda casriga ah afar sano ayaa awoodda lagu siin. Qaabkii aad wadi lahayd oo ku dhisan dastuur iyo hay’ado is dheelli tirayana waxay ku dhiganyihiin dastuurka iyo habraacyada kale ee sharciga dalka u qoran.Sidaas daraadeed, qofka dowlad casri ah hoggaamiye ka noqda kali ah waxaa u bannaan in uu ku socdo habraacyada qoran, iyo wixii lagu heshiiyay. Nasiib darro, Madaxweyne Farmaajo dowladnimada wuxuu u fahansanyahay nin xoog badan oo meel fadhiya oo ay dadka dhan jecelyihiin amarkiisana ay ku shaqeeyaan. Qofkaasi asaga ayaa ka sarreeya dastuurka, heshiisyada bulsho, iyo caqligaba.

Ogaada dowladnimada noocaas ah kali ah waxay ka jirtaa North Korea iyo meelaha kaligii talisyado iyo nidaamayada macangaggu ka arrimiyaan.Sidoo kale, waxaa wali Madaxweynaha maskaxdiisa ka buuxda qaabkii ay u shaqaynaysay dowladdii gancaanka ee uu asagu ku soo hanaqaaday; meelkasta ku dhaji sawirka madaxweynaha, hanuuniyaasha, hobolada waabari, guulwadayaasho, tiyaatarka qarnka, xoogagga waddaniyiinta, iyo caynaanka hay ay summadda u ahayd.Madaxweynuhu ma fahansano in uu haysto sharciyad kooban, dalkana uu la jirrabanyahay duruuf adag oo ay tahay in quluubta iyo kalsoonida dadka la isku soo dhaweeyo.

2. Xulashada dadka jagooyinka muhiimka ah fadhiya. Markaad u fiirsato sida uu u xusho dadka uu u dhiibo meelaha muhiimka u ah dadweynaha iyo hay’adaha qaranka, waxaa kuu soo baxaya in aysan dhab ka ahayn in ay dalkan hay’ado u dhismaan oo uu horay u socdo.Si kale haddii aan u dhigo, tayo, aragti, ama karti kuma xusho dadka uu meelaha muhiimka ah u dhiibo. Inkasta oo uusan dalkeennu lahayn meel IQ ama awood caqliyeedka dadka dowladda u shaqaynaya lagu cabbiro haddana qiyaas ahaan Madaxweynuhu wuxuu jecelanyahay qorashada dadka lagu qiyaasi karo in ay bulshada ugu hooseeyaan qaab fikireedka iyo guusha ay nolasha caadiga ka gaareenba, dhinac waxbarashada iyo dhinac shaqadaba.

3.Naaxinta qowlaystada iyo dadka bulshada ay matalaan aan taageero iyo sharaf ku dhex lahayn. Caadi ahaan qofka siyaasiga ah waa in uu isku xeero dad bulshada wax ka gala oo ixtiraam loo hayo. Dhinaca madaxwyne Farmaajo waa sida kale. Qof bulshada qiimo ama magac ku dhex leh waaba ka cararayaa.

Khaladaadka uu hadda gacanta kula jiro.

1.Isticmaalka kaarka shacabka: doorashadii 2012 wuxuu yiri shacabka ayaa I taageersan marka wax lacag ah oo aan bixinayo ma jirto. 12 cod ayuu helay markaas. 2016 wuxuu ku daray in uu lacag bixiyo sidoo Cabdi Ismaaciil Samater oo guddiga doorashada ku jiray sheegay. Kaddib markuu isku daray kaarkii taageerada shacabka iyo lacag ayaa la doortay.

2016 dadkii taageersanaa waxaa ku jiray qaybaha bulshada ugu muhiimsan sida aqooyahanada, xirfadlayaasha, ganacsatada, saxaafadda iyo qaybha kale ee indhaha bulshada. Su’aasho waxay tahay maanta yaa taageersan kaddib markii la arkay 4tii sano ee uu xukunka joogay iyo sida uu wax yeelay?!

Haddii xitaa ay jiri lahaayeen dad taageersan asaga ayaaba is dhaafinaya maxaa yeelay dadku waa fahmi karaan in aan dalkan xoog iyo ismaahin lagu hayn Karin.

Siyaasadda afka cilmiga siyaasadda lagu yirhaado (populism) ama shacbawi ma ah mid cimri dheer maxaa yeelay kuma dhisno caqli iyo xigmad ee waxay ku dhisantahay dareen iyo caadifad.

Sidaas darteed, si lamid ah Madaxweyene Trump ayaan filaynaa.Halkan talo waxay tahay, maadama aysan Soomaaliya Markaykanka oo ha’aydo fiican leh ahayn waaa in si xasiloon looga shaqeeyo in xukunka si nabadgalaya ah lagula kala wareego.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here