Uncategorized

Falanqayn ku saabasan hannaanka doorashooyinka Galmudug

Immanuel Kant oo faylospher  Jerman ahaa ayaa yiri haddii aan guri cagafcagaf kagalino hoose uma baahnin in aan niraahno waa dumaya. Maxaa yeelay, waa iska caddahay in uu dumayo!

Markuu saas lahaa wuxuu ka hadlayay arrimo ay sahlantay in la ogaado halka ay ku dhammaanayaan inta aysan dhicin.

Hadda arrintan waxaan ku keenay arrinta Galmudug.

Arrinta Galmudug  waxay ku dhammaan in Musharaxa dowladdu wadato soo baxo haddii aysan Mustaxiil dhicin.

Mustaxiilka oo dhaca ayaa wuxuu yahay in musharax kale soo baxo. Taas jaaniska (Probabilitiga) ay k dhici karto aad ayuu u hooseeyaa ayada oo  la fiirinayo dhowr qodob:

  1. Inta badan  xildhibaanada soo baxay waxa gacanta ku qortay hal musharax iyo xubno ka socda xafiiska Raysulwasaaraha.
  2. Awoodda hadda Dhuusamareeb ka jirta waa awoodda dowladda oo taako kasta kacanta ku haysa. Waxaa si toos ah looga adkaaaday Ahlusunna.
  3. Dowladdu waxay gacanta ku haysaa lacagta iyo jagooyinka dad lagu gancin karo. Dib u xusuuso tii 2015 Galmudug ka dhacaday oo markii Danbe xilal dad la siiyay owgeed Cabdikariim ku soo baxay.

Faldanbiyeedku isku si ayaa loo sameeyaa!

Ilaa hadda waxaa socda arrima horay u soo dhacay, gaar ahaan xilliggii Xasan Sheekh oo Darawalo, ciidan, cuna kariyaasha madaxda laga dhigo xildhibaano si ay u codeeyaan. Marka qofka xildhibaanka laga dhigayo ma laga fiiranyo aqoon ma leeyahay, karti ma leeyahay, dad mama tali karaa ee waxaa laga fiirin waxa markaas muuqda ee ah ha kuu    codeeyo.

Inta badan markay sidan oo kale dhacdo heerka maamul goboleedyada, gaar ahaan koonfurta dadka sidaas lagu soo saaray way codeeyaan laakiin heer Federaal sida kale ayaa dhacda.

2016 soo xasuuso oo xildhibaanadii xoog iyo maalba lagu soo saaray ay Farmaajo u codeeyeen.

Maxay la aamusanyihiin Musharaxiinta Madax bannaan, may waxa socda ka hadlaan?!

Si fiican ayay ugu jeedaan waxa socda laakiin hal rajo ayaa ku jirta. Rajada ku jirta ayaa waxay tahay: waxaa laga yaabaa in xildhibaanadan sidan lagu soo saaray ay idiin codeeyaan oo ay Nabab iyo Nolal  ku xumeeyaan. Laakiin fahankaykaga iima muuqato taasi.

Doorashada Madaxweynaha kaddib maxaa dhici kara?

Haddii uu soo baxo musharax dowladdu wadato, wayna u badantahay ilaa 85-90% waxaa dhici karta labo arrin:

  1. In sida dowalddu qorshaynasao dhacdo oo ah in 2021 Galmudug lagu qabto doorasho ay ku soo baxaaan xildhibaanada ay dowalddu wadato sida tan hadda Dhuusamareeb ka dhacaday oo kale. Waxaan ka wadaa in madaxweynahaas  ay u suurtagasho in uu ilaa waqti doorashada lagaarayo isku hayo Galmudug. Haddii taas dhacdo waxay 100% hirgalay qorshihii Nabab iyo Nolal.
  2. In marka ay doorashada lagu kala tago Ahlusnna awood la soo baxdo, Galkacayo nidaam kale laga dhiso, wareer cusubna saas ku bilowdu. Taasina  ma  ah Mid Galmudug u fiican.

Doorashadan Maxaa laga baran karaa:

Annigu  waxaan u haystay in Doorashadii Baydhabo iyo tii Kismaayo ee xoogga ahayd wax laga bartay. Sidoo kale, waxaan u haystay in boobkii iyo ku tagrifalkii awoodda ee Damujadiid wax laga bartay. Laakiin waxaa muuqata in isla waddadii dulmiga iyo mugdiga la qaaday.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here