PoliticsSociety and CultureYouth

Joojinta qowlaysiga matalaadda iyo doorka dhallinyarada gudaha!

Sannadkan waa in uu noqdaa kii dadka gudaha jooga ay go’aan ka gaari lahaayeen cidda xildhibaan noqonaysa iyo cidda aan u qalmin.

Waa in uu abuurmaa wacyi bulsho, gaar ahaan dhallinyarada soo hanaqaaday oo ah in ay gacanta ugu weyn ku yeeshaan raadaynta masiirka siyaasiga ah ee bulshooyinkooda iyo qarankaba.

Maadama qaab dhismeedka bulshada Soomaalidu uu qabiil yahay, qaabdhismeedka bulshadana uu saamayn ku leeyahay samaynska siyaasiinta iyo cidda soo baxaysa , gaar ahaan xildhibaanada golaha shacabka waxaa waajib ah in la hubiyo in sannadka usha loo dhiibo dad samayn kara mataalad qaran iyo mid bulsho oo xalaal ah.

Ilaalinta gobonimada, madaxbannaanida qaranka, calanka, iyo sharfta ummadda soomaaliyeed waxay u baahantahay dad leh aragti siyaasadeed, karti, damiir, iyo fahan dowlo.Sidoo kale, ka shaqaynta caddaaladda isjtimaaciga ah, maamulka guud iyo danaha qaran iyo bulshada la matalayo waxay u baahantay garaad heer sare ah iyo daacadnimo.

Sannadkan ha noqdo kii la soo gaba-gabayn lahaa qowlsiga siyaasadeed ee ku habsaday mataalada, gaar ahaan golaha shacabka.Sannadka ha galo taariikhada!

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here