Politics

Siyaasadda Maraykankan ee Soomaaliya

xalay aniga oo jooga magaalada Dhuusamareeb waxaan ku tuurtay dood uu soo Qabanqaabiyay Chatham house qaybtiisa Africa oo ku saabsanayd siyaasadda Marakaynka ee Soomaalia ku addan(US Policy towards Somalia).

Waxaa la soo fariisiyay nin aqooyahan caddaan ah oo arrimaha ammaanka ee dalkeenna wax ka qora Paul Williams, Cabdi Caynte wasiirkii hore ee qorshaynta iyo gabadh kale oo caddaan ah oo Susan la lagu magacaabo.

Dooddan waxaa saldhig u ahaa qoraal cilmiyeed uu sameeyay Paul Williams, Caynte, iyo Susan waa kaabayeen.

Hadal jeedinta ayaa ku billaabtay falanqayn ku saabsan siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya.

Paul ayaa si fiican danta Maraykanku Soomaaliya kal leeyahay u kala dhigay.

Wuxuu yiri Maraykanku dan kooban oo laakiin muhiim ah ayay Soomaaliya ka leeyihiin . Danta ayuu ku sheegay in ay tahay dan ammaan. Alshabaab ayuu ku sheegay in ay yihiin cidda ay Maraynka isku hayaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Maraykanku ay isticmaaleen tabo ciidan iyo tabo siyaasadeed si ay dantooda u gaaraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgaladii waawaynaa ee ka dhank ahaa Alshabab in ay hakadeen ilaa 2016.

Professorka ayaa sheegay in hadda Marykan u furantahay seddex waddo oo kala ah:

1. In ay sidii hore ku wadaan oo ciidan iyo siyaasad iskugu daraan ilaalinta danta Maraynku ka leeyahay Soomaaliya.

2. In ay taageeraan wadahadal la galo oo lagu dhammeeyo gacan ka hadalka Soomaaliya ka jira.

3. In maraykanku hakiyaan howlgaladooda ciidan laakiin ay siyaasadda Soomaaliya lugta kula jiraan.

Arrinta ah in wada-hadalo lagu xalliyo amni xumida Soomaaliya ayuu ku sheegay in labo arrin la sameeyo:

i) In dib u heshiisiin loo sameeyo dowladda Federaalka ah iyo maamul Goboleedyada.

ii) Kaddib markii laga faraxasho dib u heshiisiinta labadan dhinac(dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada) la billaabo in wada-hadal lala furo Alshabab. Maraykanku wuxuu madaxda Alshabab ku dhiirigalinayaa in la siiyo fursado siyaasadeed iyo kuwa nolaleed si ay u joojiyaan dagaalka, waana talada buuniga.

Paul ayaa dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku sheegay in aysan siyaasiintu ama madaxyaweynta Soomaalidu heshiis ku ahayn sidii dalka loo maamuli lahaa.

Cabdi Caynta oo ahaan jiray wasiirkii qorshaynta ee Federaalka haddan u shaqeeya UN-ka ayaa intaas kaddib hadalka la siiyay.

Caynta ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya kaddib burburkii 1991.

Wuxuu u qaybiyay seddex marxaladood oo kala ah.

1. Ka hortag ama xadayn (containment)

2. La shaqaynta qaybaha kala duwan ee laacibiinta gudaha (Dual Track Policy)

3. Kaddib imaanshihii maamulkii Xasan Sheekh Maxamuud oo Marykanku qaatay siyaasad cusub oo ah in Soomaaliya dowlad ahaan loola dhaqmo.

Caynta ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasadda Maraykanku marar badan ay god ku dhacday.

Arrimaha hadda taagan ayaa kamid in uu Maraynku taageero aan dheelli tirnayn u muujiyay dowladda Federaalka ah, waa sida uu Caynte qabo.

Maraynka ayaa laga rabaa in uu qayb ka noqdo siyaasad dib u heshiisiinta iyo wadar-ogol ayuu sii raaciyay Caynte.

Susan ayaa arrimaha dhaqalaaha, xiriirka dowladda iyo muwaadiniinta ka dhaxeeya si kooban uga hadashay.

Barnaamijka oo dhammaystaran waxaad ka heli kartaa bogga Facebuugga ee Chatham House- African Program.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here