Politics

Shirka Dhuusmareeb iyo hadal jeedinta madaxda

Waxaan maanta ku sugnaa hoolka Shirka maamul goboleedyada ee lagaga arrinsanayay xaaaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo.  

Maalmihii danbe, indhaha siyaasaddu waxay ku jeedeen shirkan iyo halka uu u dhaqaajin doono siyaasadda cakarin ee dalka. Ka sakow, madaxda maamul-goboleedyada iyo wufuudda la socota waxaa shirka jooga siyaasiin, xildhibaanno, senataro, bulshada rayidka Somaaliyeed, iyo waliba dadka ku caan baxay dilaalka siyaasadda iyo ka soo dhexmuuqashada sabaheeda.

Shirkan ayaa ku soo aaday xilli muhiim u ah xaaladda siyaasadeed iyo marxladda kala guurka ee dalku marayo. Kala guurka waxaa laga wadaa,  waxaa dhammaad ah sharciyadda hoggaanka dowladda dhexe  oo ay tahay in afartii sanaba  mar la cusboonaysiiyo sida uu qabo dastuurka ku meelgaar ka ah ee dalku.

Haddaba, waxaan halkan idin kula wadaagayaa nuxurka hadalada madaxda.

Qoorqoor- Galmudug

Asaga ayaa hadalka furay inta ugu muhiimsanna asaga ayaa sheegay marka laga tego Waare oo dood adag u soo jeediyay in Gobolka Banaadir iyo caasimadda Moqdishu ay helaan maqaam iyo matalaad siyaasadeed.

Haddaba qodobada kuwii ugu muhiimsanaa waa kuwan:

  1.  In heshiis laga gaaro hannaanka doorashada.  Arrintan waxay meesha ka saaraysaa hannaankii Madaxweyne Farmaajo kaligii watay ee baryahan danbe barlamaanka Federaalka uu boobsiinayay.
  2. In la xoojiyo iskaashiga maamul Goboleedyada ka dhaxeeya.
  3. In la sameeyo isku tanaasul iyo wadar ogol
  4. In ay waajib tahay in la ixtiraam dhaqan siyaasadeedka  Soomaaliya ee afartiisanba doorasho lagu qabto.
  5. Wuxuu sheegay in  ay  tahay in ay shirka ka soo baxdo aragti midaysan oo lagu maaraynayo xaaladda kala guurka ee dalka iyo in la maareeyo xaaladaha siyaasadeed ee hadda taagan.

Deni- Puntland

  1. Wuxuu hoosta ka xariiqay in tahay wax wanaagsan oo lagu faano in shirkan ay Soomaali soo agaasintay.
  2. Wuxuu sidoo kale, bogaadiyay oo uu ammaanay waddada ay Galmdug qaadday ee ah isku tashiga iyo dib heshiisiinta.
  3. Wuxuu ka hadlay “ walwalka” iyo mugdiga soo galay hannaanka doorashada dalka heer Federaal
  4. Wuxuu sheegay in doorasho dadban  laga fiicanyahay laakiin aysan tabarta soomalidu gaarin doorasho qof iyo cod ah.
  5. Wuxuu adkeeyay muhimadda hannaaka Federaalka ah.
  6.  Wuxuu si sarbeeban u wareeary hoggaanka dowladda Federaalka ah asaga oo sheegay in ay wadaan marin habaabin
  7. Wuxuu si kaftan u sheegay in ay dalka ka jirto iska dabawareejin ama sida reer waqooyigu u yiraahadaan “ ila meeraysi”. Haddii aan fasirno Madaxweyne Farmaajo ayuu ula jeedaa.
  8. Deni waxaa hadalkiisa si fiican looga dheehan karay si cad ama si dad badan in hoggaanka Federaalka (M. Farmaajo) uu aargoosi  iyo arrimo hoose ku mashquulsanyahay.

Lafta-Gareen: Koonfur Galbeed

Hadalka Madaxweyne Lafta-Gareen wuu baahsanaa, aadna wuu u diblamaasiyaysnaa  laakiin wuxuu madaxda kale la qabay.

  1. In ay doorasho dhacdo xilligeedii
  2. In hannaanka Federaalka muhiim yahay. Si gaar ah wuxuu u sheegay in ay ayagu hannaanka Federaalka raadinayeen ilaa billowgii dowladnimada Soomaaliya.
  3. Muhimadda kala guurka  iyo maaraynteeda.
  4. Iyo waliba in ay shirka natiija fiican ka soo baxdo.

                      Madoobe- Jubbland

Hadalkiisu hadal siyaasadeed oo diblamasiyadeed ayuu iska ahaa, nuxurkiisa ayaa  ahaa:

  1. “ Waayeel caanaha hortooda ayaa lagu barxaa” maahmadan ayuu farriin ugu diray hoggaanka dowladda dhexe. Farriinta ayay ahayd in aan la siri Karin oo ay kala kasyaan wax socon kara iyo waxaan socon Karin. Waxaan u fahay “ waa u jeednaa in aysan doorasho qof iyo cod ah dhici Karin ee aan runta u isku sheegno miiskan isku imaano si lamid ah tii 2016kii.
  2. Galmudug ayuu bogaadiyay.
  3. Wuxuu ka hadaly hannaanka Federaalka iyo qaab dhismeedkiisa.
  4. Wuxuu sheegay in ay suurtagal tahay in kulumo kale oo Dhuusamareeb ka baxsan la iskugu yimaado.
  5. Muhimadda hannaanka doorashooyinka.

Waare – Hirshebble

Hadalka Madaxweyne Waare wuxuu u badnaa mid uu kaga hadlayo hannaanka dowliga ah ee soomaaliya caqabadaha haysta. Wuxuu ka hadlay arrinta Soomaaliland oo siiqada uu hadalka u dhigay markii la fiiriyo gar u siinaysa   in ay goosan karaan.

Sidoo kale, wuxuu ka hadalay arrinta Gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimadda Muqdishu. Wuxuu sheegay in ay tahay arrin laga gaabiyay oo u baahan in la dareemo miisaankeeda.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dastuurka iyo sida ay u sahlantahay in la jibiyo ama la baal maro.

Soo koobid:

  1. Dhammaan madaxdu waxay isku raaceen in doorasho aan waqtigeedii dhaafin la qabto.
  2. Muhimada uu leeyahay hannaanka Federaalka.
  3. In Galmdug qaadday tallaabo fiican oo dibu heshiisiin iyo siyaasadeed.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here