PoliticsSociety and Culture

Maxay yihiin Caqabadaha Puntland haysta: Khilaafka Deni iyo Karaash!

Maxay yihiin Caqabadaha Puntland haysta: Khilaafka Deni iyo Karaash!

Puntland waxaa haysta Caqabado waaweyn oo ay kow ka tahay in nidaamka ka jira uusan fikir iyo Caddaalad ku dhisnayn, laakiin qabiil, Laandheere, iyo Laangaab ku dhisantahay. Arrintan ma ah mid gaar u ah  Puntland; waxaa la qaba maamulada siyaasadeed ee meelaha Soomalidu joogta ka jira.

Baryahan danbe waxaa Koonfurta Somalia, gaar ahaan Moqdishu ka socday in dhallinyarada soo hanaqaadaysa ay u arkaan nidaam qabiilka ay Puntland iyo Somaliland ku dhisanyahiin in ay yihiin kuwa keenay kala danbaynta iyo amniga ay ku dhaamaan koonfurta.

Markii runta loo galo, nidaam aan fikir iyo caddaalad ijtimaaci ah ku dhisnayn ma raago. Marka, walow laga yaabo in qaab dhismeedka qabiilka ee goboladaas ka jira uu ka aruursanyahay kan koonfurta sababo jira owgood, haddana kama dhigno in yihiin nidaam dowalad iyo hay’ado dadka u adeega lagu qotomin karo.

Markaan ka tago ararta guud, Puntlnad hadda waxaa ka jira Cabqabadahan:

  1. Nabad iyo Nolal: N&N oo ah dowladda Federaalka ee Moqdishu joogta ma aamminsano nidaamka siyaasiga ah ee ka horreeyay ee Federaalka ku dhisan. Arrintan waxay kala mid yihiin muwaadiinta caadiga ah ee Soomaaliyeed. 20 qof oo Soomali ah oo suuqa maraysa haddii aad waydiiso maxaad ka aaminsantahay Federaalka?, 18 kamid ah waxay ku leeyihiin waa nidaam la rabo in dalka lagu kala qaybiyo!

 Nidaamka Federaalka waxaa aamminsan dadka siyaasidda ka shaqeeya, aqoonyahanada, iyo caddaanka. Sababtuna waxay tahay maaadama uu Siyaad Barre intuu xukun dhexe qabasday uu dadka iyo dalka ku dhibaateeyay waxaa la isla gartay in nidaam uusan hal qof ku amar kutaaglayn Karin la dhiso.

Laakiin nidaamka federaalka waxaa diiddan Madaxweyne Farmaajo oo raba in uu nidaam dhexe dhiso. Rabitaanka Madaxweynaha waxuu isla markiiba iska horkeentay madaxdii maamul goboleedyada. Raggii maanta waxaa ka jooga Axmed Madoobe halka dhammaan intii kale biyaha la cabsiiyay.

Haddaba Puntland waxaa dagaal siyaasadeed kula jira dowladda dhexe. Arrintan waxaa laga dareemi karaa sida ay dowalddu ayada oon dhexmarin Puntland ay howlo kala duwan oo ciidan qorsho iyo adeeg gayn ah uga samaysay meelaha maamulka Puntland loo aqoonsanyahay.

2. Nidaamka wax qabysiga qabiilka: Puntland ilaa aasaaskeedii waxaa awoodda gacanta ku hayay Majeerteen, gaar Maxamuud Salaymaan oo ah awoodda siyaasadeed ee runta ee Puntland ka jirta ama Puntland Federaalka kumatasha. Haddaba, arrintan waxay dareen gaar ah ku leedahay qabiilada kale ee Puntland daga. Waxaa jira dareen ah in qabiil gaar ah uu leeyahay mashruuca Puntland inta kale canshuurta laga qaato.  Haddii aad dhagaysto warysiyada guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Dareed waxaa dareemaysa in shucuurta uu muujinayo ay tahay In qabiil loogu taag sheegtay markii xilka laga qaadayay. Haddaba, waxaa loo baahanayahay in dib u eegid lagu sameeyo in Puntland laga dhigo nidaam caddaaladeed oo mujtamacu u dhan yahay in in ay tahay mashruuc qabiil.

3. Saciid Dani ma hoggaamiyaa?! Arrintan waa muhiim in jawaab loo helo. Sababtu waxay tahay maalin dhow wuxuu cayriyay, waliba si fool xun guddoomiyihii Barlaaanka, maantana madaxweyne ku xigeenkiisa ayaa wuxuu idaacadda ka leeyahay salaanta iskama qaadno! Marka, waxaa meesha ka muuqda in Saciid u baahanyahay in uu isku wadka dadka ilaaliyo, dareemana in Puntland tahay nidaam qabiil haddii la rabo hallo kala awood roonaadee. Haddii uu fikir dowlo aaminsyahay oo qabiil ka baxsan bannaanka ha keeno dadkana ha u sheego. Dhinaca kale, sax ma ah in uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyo in uu yahay kaligii talis,  Puntland kala dhantaalaya, asna uu maalinba nin qasho. Markaa, Saciid Deni ha isku laabto.

4. Puntland dhallinyarada waxbaratay ee fikir siyaasadeed iyo caddaalad ijtimaaci ah aamminsan awoodda hala wareegaan. Puntland waa meel maamul tusaale u noqdo Soomaalia laga dhisi karo. Laakiin oday dhaqameed iyo siyaasi aan fikir wadin waxba kama qaban karo. Balse isku dir iyo kala fogayn mujtamac iyo dal ayuu horseedi. Marka, fikir siyaasi ah hallaga billaabi Puntland. Dhaqanka iyo siyaasiinta dhaqaalaha samaysana hallaga wareejiyo nidaamka; Kama wado in kacdoon hal maalin dhaca shaqadaas lagu qabto laakiin dhallinyarada waxbartay ee bislaatay ha arkaan awoodooda oo fikir siyaasi ah oo caddaalad ijtimaaci ku dhisan ha billaabaan.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here