EducationPoliticsSociety and Culture

Dood:Nidaamka qabiilka iyo dowlad casri ah ma isla jaaqaadi karaan

doodda qabiilka iyo dowlanimada Casriga ma is qaadan karaan ( caqabad ma isku yihiin)?!Dooddan waxaa ka qaybgalay ilaa afar qof oo laba dhinac kala ahaa. Dhinac aninga iyo Mohammed Caddaani ah oo leh caqabad ayaya isku yihiin iyo dhinaca kale oo kala ahaa Dalmar Faafaale iyo Ahmed Cumar Caraaye oo ku doodayay in aysan caqabad isku ahayn.Haddaba, dooddii aan dhiibtay wareegii koobaad ayaa sidan u dhacaysay. Aqri kaddibana wixii naqdi ah faallo ahaan u dhiibo. Doodda waxaa soo agaasimay Baraarug Society—————————————————————————————————–

Inta aynaa go’aan ka gaarin in dowladinimada casriga ah iyo qabiilku  isla jaanqaadi  karaan iyo in kale, waxaan si kooban u sheegi, maxay tahay dowlad casri ah, muxuusa yahay qabiil?!

Waxaan ku billaabayaa dowlad casriga ah!

Dowlad casriga ah shuruudaheeda koobaad waa dhowr qadob oo kala ah:

  1. In la helo dhul ama buqcad dhuleed oo ay dad iyo duunyo ku noolyihiin.
  2. In dhulkaas duunyadu iyo dadku ku noolyihiin uu gacanta ku hayo hal maamul nidaam oo sharciga iyo kala danbaynta kaligii haya, cidna u gacan dhaafi Karin. Nidaamkaasi   waa in uu madaxbannani siyaasadeed leeyahay oo go’aamada uu qaadanayo uusan cidna kala tashaynin.
  3. Icitraaf caalami ah in uu dowladaha kale ka haysto si xiriir sharciyeed dowladaha kala u la sameeyo  asaga oo maraya nidaamka diblamaasidda.

Haddaba, markii gudaha loo galo nidaamka siyaasiga ah wuxuu leeyahay seddex dhardhaar oo waa weyn oo is dheeli tira. Waxay kal yihiin.

  1. Sharci dajin
  2. Fulin
  3. Iyo Garsoor

Seddexdoodu waxay shaqooyin kala duwan ayay qabtaan, laakiin midkasta adeeg nidaamka dowliga ah laf dhabar u ah ayuu hayaa.

Qaybta fulinta oo ah qaybta shaqada ugu badan qabata waxaa hoos yimaaddaa, wasaaradihii siyaasadeed, shaqaalihii rayidka ahaa, militargiii, booliskii, nabad sugiddii, wakaaladii iyo safaaradahii.

Dhammaaan qaybahaas fulinta waxay u isticmaashaa in ay muwaadiinta ug adeegto.

Mabaad’ida dowladd casriga ah.

  1. Muwaaddinnimo. Qofku si xuquuq iyo wajibaad u yeesho  waa in uu muwaadin yahay. Mid dalka ku dhashay ama mid dhalasha la siiyay.
  2. Dadku waxay laamaha dowladda ugu shaqeeyaan xirafadda iyo hibada ay leeyihiin ee dhabar ka taabasho ma jirto.
  3. Dhammaan  muwaadiniintu dowladda waa u simanyihiin.

Shaqooyinka dowladda.

  1. Dhaqaale samayn
  2. Amni
  3. Adeeg caddaaladeed
  4. Sharci iyo kala danbayn
  5. Iyo dhammaan adeegyada bulsho ee cafimaad,waxbarasho, difaacid.

Qabiil

Qabiilku waa qaab dhismeed bulsho oo dadku u kala qaybsanyihiin hayb,  xigaale ama dhiig (Lineage segmentation). Shirkii Carta: Hawiye, Daarood, Digle iyo Mirifle, Dir  iyo beesha shanaad. Arrintaas waxay ka turjmaysaa in qaab dhismeedka bulshadeenno uu hadda yahay qabiil.

Haddaba halkee qabiilka iyo dowladnimadu iska diiddanyahay?

  1. Dowladnimada casriga ayada oo isticmaalaysa ha’ayadaheed iyo sharcigeed waxay  la macaamishaa muwaadin. Muwadiniinta dhan dowlad waa simanyihiin dhinaca sharciga iyo adeegaba. Sarraynta sharciga (rule of law).

Markii qabiilka la joogo,  dadku ma sinno.

Qayb dhan oo bulshada kamid ah qabiilku wuxuu u yaqaanaa nasab dhimman, boon,  midkaan iyo magacyo kale.

Intaas markii laga tago haddana isla qabiilkii nasabka isku yaqaannay waxaa ka dhex jirta kala sarray bulsho oo ah Laandheere iyo laangaab ( laf gab ama laf dheer).

  • Dowladdu casriga waxay leedahay hannaan dhexe oo maamul (central authority)

Qabiilku ma leh hannaan dhexe oo maamul oo go’aanka uu gaaro la fulin karo.  Waana mid kamid sabaha qabiilka looga tagay ee dowlad loo ikhtiraacay ama loogu baahday.

3.Dowladdu shaqooyin qorshayn oo masiiri oo horumarineed ayay samayn kartaa laakiin qabiilku ma samayn karo.

4 dowladdu fikir, horurmar siyaasadeed iyo normative values ayay ku dhisatahay laakiin qabiilku waa dabiici.

Tusaale isbarabardhig.

Sweden dowladd casri ah ayaa kajirta. Sidaas darteed horumar dhaqaale, caafimaad, waxbarasho , bulsho caddaaladeed ayay heegsadeen ama gaareen.

Somalia qabiil ayaa ka jira, sidaas owgeed baahi, cimri gaabni iyo fikirado la’aan ayaa ka jira.

Caqabadaha uu qabiilku ku hayo dowladnimada

Kala qaybin bulsho: Xasuuqii 1991. Xussen Kulmiye Afrah vs Professor Abyan.

Bulshooyinka qabiilka ku dhisan in ay khilaafka ka soo gabtaan oo dowlad dhistaan way adagtahay. Eeg dalkeena 30 sano, Liibanaya eeg, muddo ayay ku qaadan in ay soo kabato.

Gabagabo

Aniga oo tixgalinaya intaa aan soo sheegay oo dhan qabiil iyo dowlad casri ah isma qaadan karaan!

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here