PoliticsSociety and Culture

Doodda qabiilka iyo dowladnimada casriga ah!

Waxaa jirta dhallinyaro badan oo dalka iyo dibaddiisaba wax ku soo baratay. Waxaan hadda jira hanaqaad guud oo ah in dhallinayarada wax baratay uu wacyigooda isbaddal ku socdo. Si gaar ah dhallinyarada baratay culuumta bulshada ee ay kamid yihiin siyaasadda, falsafada, maamulka guud, dhaqaalah, cilmi nafsiga iyo dhammaan kuwa daneeya arrimaha la xiriira hannaanka dowaliga iyo isbeddalada bulsho, siyaasadeed, dhaqaale in ay dalka ka curtaan.

Haddaba, Baraarug Society waxay qabanaysaa dood muhiim ah oo cinwaankeedo yahay: Dowladnimada casriga ah iyo qabiil ma isla jaanqaadikaraan?

Dowladdnimada casriga ayaa ah hannaan maamul dowli ah oo leh dhul, dad, haysta icftiraaf dowli ah, awoodna u leh in sharciga iyo kala danbaynta hal maamul ka fuliyo dhulkaas.

Markii gudaha loogalo dowladddu waxay leedahay hay’ado kal aduwan oo dhamamantood adeeg noocyada kala duwan ah dadweynaha u qabta.

Si aad dowalddaas qayb ugu noqoto oo aad xuquuq iyo waajibaad ugu yeelatid  shardiga kali ah wuxuu yahay  in aad tahay muwaadin(citizen).

Haddaba muwaadiniinta waxaa isku xira dareen wadareed, taarkheed, calan, astaamo qaran iyo dhaqan guud.

Dhinaca kale, qabiil waa nidaam bulsho oo  dhiig iy wada dhalasho la iskugu yimaaddo. Intii isku isir-tirsataba waxay wadaagaan dareen iyo caadifad u gaar ah. Way adag tahay in la soo dhexgalo. Qofkii soo dhexgalana waa inuu magan u noqdaa qabiilkaas. Qabiilku waa nidaam bulsho oo mar hore laga soo gudbay. Dalkeenna iyo dowladnimadeena dib dhac u keen oo qayrkeen naga reebay. Qabiilka, fikir curis, hibada qofka uu leeyahay, iyo wada noolashaho kuma dhexjirto ee waa caadifad si gaar ah loo isticmaalo markii ay mixnado jiraan.

Haddaba, baahida aad qabiilka ku qabto waxaa kuu qaban kara  dowald casri ah oo dadka dhan u dhaxaysa.

Haddaba, waxaa jirta dood arrintan  ku saabasan oo ay qabanayso Baraarug Society.

Dooddan waxaa qayb ka ah aniga iyo Mohammed Adaani oo dhinac ah iyo Dalmar Faafaale iyo Ahmed Caraaye Cumar oo dhinac ah. Waxaa xiriirye ka ah Xasan Mudane.

Khamiista 21 bishan 8:30pm(Fiidnimo) ayaa ballan noo ah.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here