MediaPolitics

Geeddi-socdka dayn cafinta dalka: Maraxaladda go’aanka!

Xalay waqti danbe waxaan mirtay qoraalka uu Siyaasi Cabdirxmaan Cabdishakuur ka qoray barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya oo maraxaldii koobaad gaadhay (Decision point).

Qoraalka uu Cabdirxmaan qoray waa mid kamid qoraalada ugu fiican ee qof Soomaali ah qoray oo aan baryahan danbe aqriyo. Qoraalka waxaa heer sare ka sii dhigaya wax qalloocin ah, haba yaraatee kuma jirto. Marka, haddii aadan arrinta fahan fiican ka haysanin, waxaan ku tallin lahaa in aad aqriso qoraalka Cabdirxmaan.

Dhinaca kale, waxaan dhagaystay shir saxafadeedka uu raysulwasaare Xasan Cali  Khaire arrinta kaga hadlay. Dhabacan, Raysulwasaaruhu aad ayuu faraxsanaa maadam shaqo adag oo uu soo qabtay qayb muhiim ah laga soo gaaray.

Ku mataalidda maraxalada go’aan qaadasha (decision point) in ay la mid tahay xorriyaddii labaad waa buunbuunis, waxaana ku waafaqsanahay Cabdirxmaan Cabdirshakuur.

Haddaba, si aad barnaamijka dayn cafinta u fahanto hal mar bogga IMF-ta ka aqri barnaamijka HIPC ( HIPIC initiative). HIPC-Debt Relief under the Heavily Indebted Poor Countries.

HIPC waa barnamij ay si wadajir ah u ambaqaadeen IMF iyo Baanka Adduunka 1996 loogna talagalay waddamada ayaga oo jilcsan daymo aysan iska bixin Karin galay.

Barnaamijkan  dhan ee HIPC ayaaba ka kooban labo qayb: qaybta koobaad ayaa ah decision point ama marxalada go’aan qaadashada. Iyo qaybta labaad oo ah marxalada dhammaystirka(completion point).

Marxalada go’aan qaadasha si aad u gaadho waxaa lagaaga baahanyahay Afar shardi:

  1. Waddamada loo ogolyahay in qayb ka nodaan Barnaamjikan in aad kamid tahay.(eligibility)
  2. In dayn badan oo aadan iska bixin Karin marka tabartaada la eego lagagu leeyahay.
  3.  In aad dib u habayn maaliyadeed  u samayso sida ay rabaan world Bank iyo IMF-Sanduuqa lacagta adduunka.
  4. In aad samayso siyaasadda sabool dhimista qaran.

Hadda Soomaaliya waxay soo dhammaysay wajiga koobaad.

Waxaa hadda billaabanaya marxalada labaad ee dhammaystirka geedi-socodka dayn cafinta ee loo yaqaano “completion point”.

Marxaladan ayaa leh seddex shardi oo kale oo kala ah:

  1. In dib u habaynta nidaamka maaliyadda, gaar ahaan sida IMF iyo world Bank u rabaan loo sii wado.
  2. In dib u habayn maaliyadeed ee aad samaysay ay tahay wax lagu qanci karo.
  3. In siyaasadda sabool dhimista qaran ugu yaraan hal sano la dhaqan galiyo.

Haddaba ogow, qaybta labaad ayaan dhimman wali oo ugu yaraan hal sano qaadanaysa.

Intaas ka sakow Raysulwasaare Xassan Cali Khaire, wasaaradda maaliyadda, iyo dhammaan dadka ka shaqeeya nidaamka maaliyadda ee dalka sida guddoomiyaha bangiga dhexe ammaan ayay mudanyihiin shaqo fiican oo qiima lehna way qabteen. Gaar ahaan raysulwasare Xasan arrinta si gaar ah ayuu ugu dedaalay.

Gabagabadii waxaan leeyahay, kaba soo qaad in daynta la cafiyo. Markii daynta  la cafiyo oo is furfur dhaqaale dhaco si maalgalis loo sameeyo waxaa loo baahanayhay:

  1. Deganaasho siyaasadeed(Political stability): deganaasho siyaasadeed ma ah sida uu Madaxweyne Farmaajo iyo Raysulwasaare khaire u fahmeen ee ah in ay labadoodu isla shaqeeyaan ama raysulwsaare Khaire qorto wasiiro aan su’aal ku soo celin Karin ee waxaan ka hadlaynaa degnaasho siyaasadeed oo dastuurka iyo saraynta sharciga, iyo hannaanada siyaasadeed ay gar wadeen ka yihiin.
  • Arrinta labaad ayaa ah amni. Dalka amnigiisu in laga shaqeeyo ayuu baahanayhay ilaa hadda tallaabooyinka loo qaaday indha-buuxis iyo maan buuxis midna ma leh. Annigu waxaan ka jeclaa dadaalka lagu bixiayay habaynta nidaamka maaliyadda iyo dayn cafinta in lagu bixiyo amniga ama kaas mid lamid ah oo ay is barbar socdaan.
  • Arrinta seddexaad ee maalgaliska suurtagalisa waa kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, warshadaha, dekadaha, Airporta iyo shuruucda maalgaliska, nidaamka maaliyadda, awood maamulka guud iyo nidaamka caddaaladda. Haddaba kuwaasna maxaa ka diyaarsan?!

Haddaba aniga oo xeerniya arrimahaas aan soo sheegay ,waxaan qabaa seddex qodob in  si wadajir ah ha looga shaqeeyo. Deganaasho siyaasadeed oo Nabad iyo Nolal fahankeeda iyo dhexdeeda ka baxan.

Amni sidii dalka looga dhigi lahaa, iyo in hannaada siyaasasdeed oo doorashada haata taagan ay ka mid tahay sidii si hufan loogu qaban lahaa.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here