EducationMediaSociety and Culture

Warqad Furan oo ku socoto dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed:#COVID19

Maadama cudurka Coronavirus disease (COVID-19 ay u badantahay in uu dalkeena soo gaarayo waxaa waajib in la isticmaalo awoodda warbaahinta.

Waad ogtihiin in dalkeenu uusan lahayn nidaam caafimaad oo la tacaali kara cudurka haddii  uu si saf mar ah u billowdo. Sidoo kale, maadama nafaqada iyo caafimaadka caruurta iyo dadka waaweyn ay hoosayso waxay sii kordhin kartaa khasaaraha kadhalan kara cudurka.

Intaas waxaa dheer, maadama uu cudurkan cabsi badan wato, waxaa dhici karta in lakala shakiyo oo irdhow bulsho iyo cabsi wadareed dhacdo.

Haddaba, warbaahinta waxaa la gudboon in ay dadka waciyigooda cudurka ku saabsan kordhiso si joogta ah. Waa in la sameeyo farriimo kooban oo tusmooyin u noqon kara ka hortaga iyo xakmaynta cudurkan.

Sidoo kale, waa in  si maalin la’ah Tv-yasha iyo Raadiyaasha looga sii daayaa farriimaha la xiriira nadaafadda in ilaaliyo.

Sida in si joogta ah gacmaha saaboon jeerismis dali ah (20sec) loogu dhaqdo.

In dadku iska ilaaliyaan in ay salaan gacan qaad ah wadaagaan. In aan sanka iyo wajiga gacanta lagu taaaban.

In  qofka caalamadaha hindhisada, hargarabka, iyo dhuun qaliilka isku arka oo ka taxadaro in uu meelaha dad badan isku yimaadaan tago.

Haddii saxaafaddu macaluumaad sax ah bulshada siiso ayada oo xeeldheeryaasha caafimaadka la tashanaysa waxaa sahlaan  kara hakinta iyo yaraynta aafada cudurka.

Sidoo kale, dhammaan ardayda jaamcadaha caafimaadka ka barata, kuwa bartay iyo qofkasta oo fahan caafimaad qaba waxaan ka codsnayaa in uu wacyigalinta cudurka si qasad ah kaligii isku xilsaaro.

#Halla-bilaabo ololaha wacyigalinta Coronavirus disease (COVID-19)

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here