MediaPoliticsSociety and Culture

1991 maan wax yar xasuusano!

Maanta waxaa adduunka laga xusayaa sannad guuradii ka soo wareegtay 75sanno ka hor markii Naaziiga Jermanku dad badan xasuuq u gaysteen. Dadkaas ayaa tiro badan oo ka mid ah ay ahaayeen Yuhuudda Yurub deganayd.

Sababta igu dhallisay in arrintan wax ka qoro ayaa waxay tahay sida Yurub looga xusayo dhacdadan.Qaabka Naazigu wax u dilayeen ayaa ahaa qaab waxshi ah. Sida in ay Gaas sun ah dadka ku buufiyaan in ay ay gaajo dadka ku dilaan.sidoo kale, isir sifayn ama xasuuq ka dhan ah hal isir ayay naazigu si gaar ah u wadeen.

Arrintan waxaa ka dhashay in shuruuc badan oo xasuuqa ka dhan ah adduunka laga la hirgaliyo. Sidoo kale, si aysan arrinta u soo laaban waxaa dugsiyada Hoose/dhexe iyo sare ee Yurub, gaar ahaan Gernmanka lagu dhigaa taariikhada madow ee Naaziga.

Sababta caruurta loo barayo ayaa waxay tahay in  laga digtoonaado in mid la mid ah aysan soo laaban. Waxaa jirta maahmaah caan ah dhahaysa “ Ummaddii Taariikhda ilowda, waxaa ku soo laaban isla taariikhdii xumayd ee ay iloobeen- Those who do not remember the history are condemned to repeat it”

Dhinaceena fiiri, 1991 dalkan taariikh xun ayaa ka dhacday. Nasiib darro, 29 sano kaddib dhacadaas foosha xun ee na soo martay taariikhdeed dhinacna uma hayno.

 Sababtii ay u dhacday maynaa iska waraysanin,wixii dhacayna maynaa iska waraysanin.

Sababta markaan iska waraysano waxaa noo suurtagalaya in aan ka gaashaamano sababtii keentay. Wixii dhacay markaan iska waraysnana waxaa noo suurtagaliya in jiilasha soo socda aysan ku sirmin dagaal sokeeye.

Indheergaradku dadka iyo siyaasiinta ha u fiyaan in aysan sax ahay in la iloobo 1991.

Ahmed Abdihadi, Abdullahi,

Spread the love

Comment here