MediaPoliticsSociety and Culture

Canshuurta Guryaha Moqdishu sideebaa loo qaadaa?

Saaka anoo soo shaqa tagaya ayaa guriga waxaa iigu yimid askar tiri waxaan ka soconaa wasaaradda Maaliyadda oo guriga aan deganahay canshuur ka rabta.

Gurigan ma leh,anna iima kiraysno ayaa ku iri. Dood dheer kaddib waxay igu qanciyeen in aan raaco.

Cabdi Bile ayay wataan, laakiin bajaaj ayay aniga iyo nin kale na saareen, hal askarina waa nagu dareen.

Waxaan nala geeyay shaldhigga degmada Wadjir. Markaan xafiis galany waxaa fadhiya oday cad oo macawis xiran oo miiska luguhu u saaranyihiin.

Telephoon ayuu ku hadlayaa. Telephoonka wuxuu kula hadlyaa nin kale oo guri iska leh oo leh waan iminaya ee waqti Isii. Asaguna Waxaan waqti ku siinayo ma jirto ayuu leeyahay.

Telephoon kaddib  wuxuu yiri guriga aad degantahay ninka iska leh magacii?

Ma aqaano ayaan ku iri, aniga gurigu iima kiraysno.

Markaa nin aan guri lahayn, una karaysnayn maxaad halkan ku keentay ayaan waydiiyay?

Sharci ayaan u haystaa ayuu yiri?

Sharciga keen ayaan ku iri!

Kuma tusayo ayuu yiri.

Xaq ayaan u leeyahay in aan sharciga arko ayaan ku iri.

Adeer sharci ayaan u haystaa, kumana tusayo ayuu yiri.

Markay halkaas marayso ninkii gurigu u kiraysnaa ayaan wacay. Arrintaas ayaa jirta ayaan ku iri.

Wuxuu yiri: isbuuc ka hor ayaa canshuurtii guriga la bixiyay!

Telephoonkii ayaan isoogu dhiibay,  sarkaagaalka wasaaradda maaliyadda canshuurta u qaada iyo ninka guriga kiraystay.

Kumpuuterka ka fiiri ayaa la yiri guriga numberkiisa ayaan kuu sheegi ye!

Waa iga dansanyahay ayuu yiri.

Waayahay annigu hadda maxaan sameeya shaqo ayaan u socday ayaan iri?

Wuxuu yiri, ninka guriga kiraystay ama ninka guriga iska leh ilaa uu yimaado ma baxaysid.

Haddaba si aan u soo baxo waxay dantu nagu qasbatay maadama uu kumbuterku ka dansanyahay in whatup la iigu soo diro warqadda canshuurta lagu bixiyay 4 maalin ka hor.

Ninkan dhowr mas’alo oo sharci ah ayaa ku waajibtay oo ay kamid yihiin qof aan shaqo ku lahayn arrinta canshuurta in soo xiray, sidoo kale, shaqadii iga baaqatay iyo kharashaadkii transportationka ku baxay in laga qaado. Intaas waxaa dheer, wuxuu diiday xaq uu mawaadinku leeyahay oo ah in sharciga lagu haysto la tuso. Dayaacad shaqo oo ay ka midyihiin in kumbutarkii lagu shaqayn lahaa dansanyahay? Iyo arrimo la xiriira professionalism.

Annagu dowladda siyaasadda iyo arrimaha sare ayaan ka dayaynaa laakiin hoos ayay ka dhimmatay.

Sababta ayaa waxay tahay hay’adaha dowladda waxaa laga ilaaliyay dad xirfadlayaal ah. Sidoo kale, isla xisaabtan ma jiro.

Waxaa hubaa dad badan oo maant maamul xumo la dhibban in ay ka buuxaan  saldhigyada iyo meelaha adeega dowladda laga qaato.

Ahmed Abdihadi,

Spread the love

Comment here