Society and Culture

Dhowr sababood oo ay tahay in Manhajka Dugsiyada Af-Ingriis looga dhigo!

Waxaa cirka isku shareertay doodda ka dhalatay dib-u-daabicidda manhajka dugisayda qaran ee Soomaaliya 30 sano kaddib burburkii. Dooddan ayaa ku aaddan maxaa Af-ingriis looga dhigiwaayay iyo Afsoomaaliga lagu daabacay ayaa ka saxan. Haddaba, soddon sano kaddib waxay ahayd in manhajka af-ingriis laga dhigo si jiilka soo socda uu ula qabasdo dunida cilmiga ku horumartay.

 Waxaa jira arrimo badan oo ingriiska ka dhigaya danta jiilka soo socda.

sababta kowaad  waxay tahay: Luqadda Ingriiska waxaa ku aruursan miidda cilmiga adduunka yaalla. Laga soo billaabo qarnIgii 18aad oo ahaa xilligii Ingriisku noqday quwadda adduunka ee dhinac kasta waxaa billowday in Af-ingriiska ay isticmaalaan, waxna ku qoraan maskaxihii adduunka ugu fiicnaa. Sidoo kale, waxaa billaabatay in Ingriisku u noqdo luqad siyaasadeed, ganacsi iyo waxbarasho  qaybo badan oo dunida kamid ah. Intaas waxaa dheer, Af-Ingriiska waxaa lagu turjumay buug kasta iyo fikir kasta oo qiimo leh oo qof adduunka jooga curiyay. Haddaba, maanta qof kasta oo adduunka jooga waxuu si sahlan ula bixi karaa miiddaas iyo curiskaas adduunka yaalla laakiin shardiga ku xiran ayaa wuxuu yahay furihii ma hayaa. Furuhuna waa Ingriis!

Midda kale, Ingriiska ha u qaadannin in uu yahay af dal gaar ah leeyahay ee haddii aad fiiriso daraasaadka lasameeyay waxaa la qiyaasayaa in Ingriiska marka la gaaro 2050 ay inta badan dadka adduunku ku hadli doonaan. Marka, Jiilkeenna soo socda in billowga lagu ababiyo luqad fure u noqon karta si ay kobac bulsho iyo mid maskaxeed u sameeyaan waa lama huraan. Tusaale, eeg dalalka aan dariska nahay, sida Kenya, Uganda. Dhinica kale fiiri Itoobiya, Kenya iyo Uganda waxaa caan ka ah luqadda Sawaaxiliga oo ah mid kamid ah luqadaha Afrika dadka ugu badan ku hadlaan. Haddii ay Afrikaannimo raadsan lahaayeen waxay ahayd in ay Sawaaxiliga ka dhigaan luqo waxbarasho laakiin waxay ka door bideeen Ingriiska; maxaa yeelay Ingriiska ayaa u furay in ay lajaanqaadaan adduunka. Waxay ku heleen dalxiis, cilmi iyo kobac dhaqaale in ay Ingriiska fure ka dhigtaan.

Dhinaca kale fiiri Itoobiya. Axmaari ayay ka dhigteen luqadda koowaad. Waa dalkaas iska xiran ee aysan cidna u tegin, dalxiis lahayn, furfurnaashana lahayn, marka qab ayaan leeyahay axmaariga ayaan ilaaliyay maxay u qabatay oo aan dib-u-dhac ahayn.

 Sababta labaad: in Af-ingriis manhaj laga dhigo ma diidayso in Afsoomaaliga la ilaaliyo. Horta, waxaad ogaataan Afsoomaaliga waxaa la qoray muddo aan lixdan sano ka badnayn. Inti ka horraysay mana qornayn, dugsi, jaamacad iyo qoraal toona looma isticmaalaynin, haddana qarniyaal badan ayuu  jiray  Afsoomaligu. Tusaale, hadda ninka baadiye geela kuraaca ee aan waligii magaalo arag ayaa Af-Soomaaliga kaga fiican aqoonyahanka PhD haysta ee Afsoomaaliga wax  ku bartay. Laakiin taas in aan dood ka dhigto ma rabo.

 Dooddeydu waxay tahay: ayada oo uu manhajku yahay Ingriis ayaa ladhigi karaa Soomaali tayeysan dhinaca naxwaha, habqoraalka farta iyo waliba ilaalinta suugaantii iyo dhaxalkii hore. Waxaan ka wadaa maaddo Afsoomaali ah oo aad u taya sarraysa ayaa lagu darayaa manhajka, arday kastana waxaa lagu qasbayaa in si fiican u yaqaanno qoraalka, akhriska, naxwaha iyo taariikhda Soomaalida.

Markaas waxaa dugsi sare kaaga soo bixaya arday si sax ah u yaqaanna labadii luqaba. Mid miidda cilmi ee adduunka taalla ayuu kula soo bixayaa, midna dhaqankiisa iyo hiddihiisa jiritaanooda ayuu ku ilaalinayaa. Marka, ha iga dhaadhicinnin in haddii aan Ingiriis manhaj ka dhigo aan ardayga gafsiinayo sooyaalkiisa iyo jiritaankiisa!

Doodda ah  afqalaad aqoontu miyaa?! Jawaabteedu waxay tahay maya oo maya!

Afqlaad aqoon ma aha, laakiin Ingriisku halkan markaan joogno waa sallaan aan u isticmaalayno in aan malabka cilmi ee adduunka yaalla kusoo jabsanno ee Ingiriis ahaan uma jeedno.

Tusaale fiican waxaa kuu noqon kara waysada iyo salaadda. Ujeeddadu waa salaadda laakiin si aad  salaadda u tukato waa in aad soo waysaysataa. Taas si lamid ah si aan miidda cilmiga ugu tagno waa in aan Af-ingriis barnaa jiilka soo kacaya. Sida ugu sahlan ee lagu bari karo waa in lagu ababiyo sida waddammada dariskeenna ah.

Doodda ah waddammada Jarmalka, Turkiga, Sweden, China iyo waddammo badan oo kale luqaddooda ayay ku horumareen ee maxaad rabtaa, Waxaan uga jawaabayaa sidan:

Horta waa run in ay waddammadaas luqadahooda manhaj u isticmaalaan laakiin waxaa jirta arrin idinka qarsoon ama aad iska indhatiraysaan; arrintaas waxay tahay waddammadaas waxay leeyihiin hay’ado iyo murabbiyiin aqoonta Af-ingriiska kuqoran u soo turjuma kaddibna manhajka kudhex dara. Tusaale Shiinaha oo ah xaddaarad qaddiimi ah haddii aad lasocotaan boqollaal kun oo aqoonyahan ayay usoo direen galbeedka si ay u turjumaan cilmiga Ingriiska ku qoran. Kaliya ma turjumaan ee xittaa kuwa la ariyay way xadaan kaddibna dalkooda ayay geeyaan.

Su’aashu waxay tahay annagu ma leenahay hay’ado iyo murabbiyiin shaqadaas jiilka soo koraya u qabta!? Si aad jawaabta u hesho hal mar tag Akaadeemiyada Cilmiga, Fanka  iyoSuugaanta iyo sida ay u taallo. Sidaas darteed ma jirto sabab aad ugu diiddo in jiilka soo socda lahubeeyo si ay cilmi u raadsadaan.

Intaas waxaa dheer, dhammaan waddammadaas inta badan afka Ingriisku wuxuu yahay afka labaad ama inta badan aqoonyahannadooda iyo bulshada inta wax gasha waa yaqaannaan.

Afcarabiga oo ah luuqadda Islaamka maad u dooddid inta aad afgaal u doodeyso!

Taas waxaan uga jaawabayaa Af-ingiriis diin kama raadinayo ee cilmi adduun ayaan ka raadinayaa. Marka aan diinta barashadeeda rabo dadka waxaan u tilmaami, masaajidka, Jaamacadda Madiino iyo Al-azhar. Sidaas darteed hadda arrin kale ayaan ku jirnaa.

Markastana in luuqad ajanabi la barto waa faa`iido dheeri ah sida waaqicigu yahay hadda iyo xilliggii Nabiga SCW.

Midda kale, anigu danta aan leeyahay ma aha Ingiriis ee waxa kudhex jira ayaan raadinayaa. Haddii carabigu dantan kaafin lahaa asaga ayaan qaadan lahaa!

Gabaggabo,

Aniga oo cuskanaya xubnaha doodaha aan horay kusoo sameeyay, waxaan ka digayaa in dareen aan xigmad ku dhisnayn la adeegsado kaddibna qab iyo qiiro jabbaan aan jirin go’aan lagu gaaro.

Waxaa ii muuqata Af-Iingiriiska oo aan manhaj kadhiganno uu yahay faa’iido iyo abaal aan u galnay  jiilka soo socda si ay dunida ula jaanqaadaan. Haddii aan maanta siyaasad-sameeye’ ahaan lahaa sida wasiirka waxbarasahada arrinta dhug ayaan u yeelan lahaa!

Waxaa qoray: Ahmed Abdihadi Abdullahi,

Freelance Journalist and Political analyst.

Spread the love

Comments (3)

  1. Aad baad iiga qancisay ani ahaan, sharafakallaah walaal.

  2. […] labadan farsamaba waxaa isticmaala dadka aan dood adag haynin. Si kale haddii loo yiraahdo waa “ Nin daad qaaday xunbo cuskay” Qormadan waxay daba socotaa dooddii manhajaka ee Afsoomaaliga iyo ingriiska keebaa ku fiican. Anigu waxaan qoray dood ahayd in igriisku ku fiicnaa in manhajka lagu qoro. Waana taxay sababaha. sidoo kale waxaan ka jawabaabay doodaha ay qabaan dadka ka soo horjeeda. Halkan ka aqriso doodaydii hore (essay) http://ahmedhadi.com/…/dhowr-sababood-oo-ay-tahay-in-manha…/. […]

  3. […] Ingiriiska, sidaas darteed waa in lagu bees gareeyaa manhajkeena qaranka. (Halkan ka fiiri: http://ahmedhadi.com/2019/12/16/dhowr-sababood-oo-ay-tahay-in-manhajka-dugsiyada-af-ingriis-looga-dh… ). Dooddiisa way dhaliilsan […]

Comment here